Muqdisho,(insidesomalia.org)- Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho muddo 18 sano ah waxay dhexda uga jirtaa dagaallo aad u burburiyay, kuwaasi oo marba heer soo marayay, mar dagaallo sokeeye oo ahli ah, mar dagaalladii hoggaamiye kooxeedyada, mar dagaalladii dhexmaray Hoggaamiye kooxeedyada iyo Maxkamadaha, haatanna waxaa ka socda dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwo Shisheeye oo isku dhinac ah iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Mudadaas 18 ka sano ah Magaalada Muqdisho waxaa soo marayay Maamullo kala duwan, kuwaasi oo aan waxba ka qaban burburka soo gaaray, marka laga reebo in ay Madaxdii Maamulladaas ku dhex shaqeysteen, isla markaana ay jeebka ku shubteen lacag ay dib u dhisiddeeda ku soo qaateen.
Farqi weyn ayaa u dhaxeeya sida ay hadda u egtay Magaalada Muqdisho iyo sida ay ahaan jirtay, waxaana burburka soo gaaray dareemi kara dadkii yaqaanay Magaalada Muqdisho oo ammaan ah bilicdeedana lagu faano, waayo ma dareemi karaan dadka soo hano qaaday 18 ka sano ee ay burbursan tahay iyo kuwa soo galay kadib burburkii Dowladdii hore.
Run ahaantii Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray burbur weyn, welina ma muuqdo jawi ay burburkaas kaga baxeyso waayo weli waxaa ka socda dagaallo lagu sii burburinayo, kuwaasi oo aan la ogeyn goorta ay soo afjarmi doonaan.
Muqdisho waxaa la oran karaa wey ka hartay Caasimadaha Dalalka Caalamka guud ahaan, gaar ahaan kuwa bariga Afrika iyo weliba kuwa kula jira Urur Goboleedka IGAD, kuwaasi oo la dhihi karo waxay ka badbaadeen burburkii soo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Fiiri sida ay egyihiin Caasimadaha Nairobi, Djibouti, Addis Ababa, Kampala, Khartoum, Eritrea, sidaas si la mid ah fiiri sida uu muuqaalkeeda yahay Magaalada Muqdisho oo ay ka burbureen dhammaan adeegyadii bulshada, marka laga reebo kuwo ay shakhsiyaad gaar ah iyo Hay’ado gacanta ku hayaan.
Waxaa ugu wacan burburka soo gaaray, iyadoo dhinacyada mudada dheer ku soo dagaallamayay aayo ka talinta Soomaaliya ay ku dhex dagaallameen Muqdisho, isla markaana ay ku dhex isticmaaleen hub wixii ay heysteen oo ay ku jiraan kuwo aan loogu talagelin in magaalo dhexdeed lagu adeegsado.
Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar uu arrimaha Soomaaliya ka hadlayay isagoo ka qeybgelayay shir loo qabtay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo horraantii sanadkan lagu qabtay Magaalada Entebbe ee Dalka Uganda waxaa uu sheegay in dhinacyada isku haya Soomaaliya ay ku dhex dagaallamaan gudaha Caasimadda Soomaaliya, “Haddii ay Caasimadda Dalkaaga ku dhex dagaasho waxay la mid tahay adiga oo Jikada gurigaaga ku dhex dagaallamayo, annaga markii aan la dagaallameynay Iidi Amiin dibadda Kampala ayaan ku soo dagaallannay, markii aan ka awood roonaanayna waxaan la wareegay Caasimaddeena oo aanan burbursaneyn”ayuu yiri Yoweri Moseveni oo sheegay in Jen. Caydiid oo ay saaxibo ahaayeen uu u sheegayintii uu noolaa in ay dagaallada ka daayaan gudaha Caasimadda Soomaaliya.
Haddaba waxay su’aali ka taagan tahay miyaaney dadka isku haya talada dalka Soomaaliya u muuqanin burburka soo gaaray dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Caasimadda oo ah muraayaddii Dalka ah sidoo kalena miyaaney dareemeynin in Caasimadda Soomaaliya ay ka hartay Caasimadaha Adduunka, xitaa kuwa dalalka la deriska ah.